Henry Ford Aas Aasaha Shirkada Gawaarida Ford:
Waakuma Henry Ford?
Magaciisa Waa Henry Ford Waxa Uu dhashay Sannadii 1863 Henry Wuxuu Ahaa Nin Beer Fali Jiray Marna waxa uu ahaa makaaniko oo gawaarida hoos gala waa nin American ah Markii Da'da dhalinyara nimada uu gaaray ayuu isaga tagay magaalada wuxuuna aaday beer uu Aabihii lahaa si uu uga shaqeeyo Halkaas ayuu muda ka shaqeynaaye kadibna waxa uu kusoo laabtay magaalada si uu uga shaqeeyo garaash
![]() |
| Henry Ford |
makiinadaha lagu hagaajiyo sidoo kale waqtiga uga soo hara garaashka wuxuu ku sameyn jiray saacadaha wuxuu ahaa nin saacadaha sameeya. hadaba aabahii ayaa u gooyay dhul gaarayo 40hiktor si uu u beerto ama uga shaqeeyo mudo aanan badneen kadib wuu iskaga tagay niyada waxaa uga jiro sameynta gaari waxbadan ayuuna ku fikiri jiray qaabka makiinadaha iyo matoorada u shaqeeyaan aad ayuuna ugu mashquulsanaa arinkaas thomas edison iyo henry ford isku waqti ayeey noolaayeen hadaba henry ford wuxuu ka shaqa bilaabay shirkada nalalka ee edison inta uu ka shaqeynaye shirkada edison ayuu aqriyay maqaal uu qoray injineer lagu magacaabo nicolas oto kana hadlaayey sameynta matoorada iyo qaabka ay u shaqeeyaan aad ayuuna ula cajabay wuxuuna waqti badan geliyay isku dayga dabaqida waxa uu injineerka sharxaayo sida, in uu usu geeyo qalab gawaari kala duwan isku xiro kala furo si uu bal u fahmo qaabka ay matoorada iyo makiinadaha u shaqeeyaan. 1896dii wuxuu ku guuleystay in uu isu keeno qalabki uu ku sameyn lahaa gaarigii ugu horeeyay uu sameeyo gawaarida xiligaas waxa ay ahaayeen wax u eg bushkuleeti matoor la saaray
logahooda waa sida baaskiilka oo kale ama mootada. Hadaba henry ford wuxuu soo saaray gaari uu ku xeray matoor labo salandar ah kuna socdo lugaha bushkuleetiga oo kale wuxuuna ugu magac daray Quadricycle weli waxa uu ka shaqeynaayay shirkadii edison mudo 8 sanno ah ayuuna halkaas joogay oo uu ka shaqeynaayay shirkada nalalka edison ilaa markii ma uusan aas aasin shirkad u gooni ah in kastoo qarash fiican kasoo galay iibinta gaarigii ugu horeeyay wuxuuna ka shaqo bilaabay markii uu ka tagay shirkadii edison shirkad kaloo gawaarida sameyso inta badan dadka guulaha hantiyadeed xaqiijiyo ama milyaneerada waxaad arkeysaa in noloshoodu ay tahay kolba meel in ay waxyaabo badan tijaabiyaan in ay halmeel ku ekaanin 1903dii ayuu aas aasay shirkada ford. FORD aan maanta naqaano gawaari tiro ahaan yar ayeey soo saari jirtay shirkadu waqtiyadii ugu horeeyay waxaana ka shaqeyn jiray dhoor shaqaale gawaaridii ugu horeysay ay shirkadaan soo saartay ka gaari ahaan wuxuu ahaa nooc model A iyo waliba gawaarida nooca tartanka lagu galo aad iyo aad ayaana loogu cajabay si weyn ayaana loo gatay gawaaridaas waxaa ku xigay sameynta model T 1918kii
gawaarida america laga isticmaalo kala bar waxa ay ahaayeen modelkaan ay sameysay shirkada ford waa gawaaridii ugu horeeyay ee midigta laga wado shirkadaha kalana wax ay ku daydeen ford wixiika horeeyayna gawaarida midigta malaga wadi jirin waxaa badankood laga wadi jiray dhaxda ama qaab kale ayaa loo wadi jiray kahor ford gawaarida wax ay ahaayeen kuwo hantiilayaasha ay gataan dadka caadiga ma ay gadan karin lkn shirkadaan markii ay gawaari farabadan ay sameysay gawaarida waa ay raqiiseen si marki loo fiiriyo taasoo keentay in dadka caadiga wada gataan. mudo 19sanno gudaheed ford waxa ay iibisay 15m oo gaari gudaha america Model T iyo milyan gaari canada iyo ku dhawaad nus milyan gudaha ingiriiska in loo iib geeyo canada iyo ingiriiska hadaladiisi waxaa kamid ahaa:
Dadka intooda badan waxay waqtigooda iyo awoodooda ku bixiyaan ku wareegida mashaakilka intii ay isku dayi lahaayeen xalinteeda mashaakilka ama dhibaatooyinka waa lagdan lagaaga baahan yahay in aad ka adkaato ama aad ku adkaato mushkiladu waa mushkilad ilaa laga xaliyo xalkuna waa abaal marinta qofka mushkiladaas xaliye uu helaayo intii aan ka war wareegan laheeyn ayuu leeyahay mushaakilka waxaa nala gudboon inaa si toos ah u waajahno mushaakilka isku daynana inaa xalino ugu danbeyn henry ford waxa uu dhintay 7 bisha april 1947 wuxuuna ku dhintay gurigiisa oo lagu magacaabaaye fair Lane Home of Clara and Henry Ford, Dearborn, Michigan, United States .




3 comments:
Waan ka helay mowduucan ee inoo soo badi
Kal io laab wuu i anfacay mahadsanid
Maasaa allah
Post a Comment